Allbanaadir.com
NEWS

Labo Wadan oo Qorsheenaya in Mustaqbalka dhaw Hal Madaxweyne yeeshaan 

Wadamada Albania iyo Kosovo ayaa qorsheenaya Mustaqbalka dhaw in ay yeeshaan hal Madaxweyne, labadan Wadan ayaana ah kuwa wadaaga dad ,dhaqan iyo xiriir dheer oo soo jireen ah.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Albania Edi Rama ayaa markii ugu horeesay sheegay in uu socdo qorshe la doonayo in Wadamada Albania iyo Kosovo ku yeeshaan Mustaqbalka dhaw hal Madaxweyne.

Edi Rama,waxaa uu sheegay in Albania iyo Kosovo ay wadaagaan dadnimo,dhaqan iyo diblomaasiyad mideysan oo caalamka ah,taas oo horseedi karta in ay yeeshaan hal madaxweyne.

Dalka Kosovo ayaa sanadkii 2008-dii ka go’ay Dalka Serbia , waxaana dowlada Serbia wali u aqoonsan tahay Kosovo in ay tahay gobol kamid ah dalkeeda , waxa ayna kasoo horjeedaa in loo aqoonsado dal madax banaan.

In ka badan 110-dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ayaa dal madax banaan u aqoonsan dalka Kosovo, halka dalal kale ay wali kaa amusan yihiin , waxaa sidoo kale jira dowlado kasoo horjeeda Madaxbanaanida Kosovo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Norwey (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Wadahadal la yeeshay Clementine Awu Nkweta iyo Xubno kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---