Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran iyo Kulamo kala duwan oo socda

Waxaa maalintii labaad xiran ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kadib markii uu khilaaf xoogan oo canshuur kordhin ka dhasay uu soo kala dhax galay Wasaarada Maaliyada iyo Ganacsatada gobolka Banaadir.

Dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii labaad hakad ku jira, waxaana inta badan xiran bakhaarada iyo goobaha kale ee ganacsi ee Suuqa , ganacsatada ayaana wali ka biyo diidan in ay furaan xarumahooda ganacsi.

Kulamo dhax maray Guddi Ganacsatada gobolka Banaadir soo xusheen iyo Wasaarada maaliyada ayaa mar kale fashil kusoo dhamaaday, waxa ayna Ganacsatada diidan yihiin bixinta canshuurta lagu kordhiyay.

Waxaa saakay kulamo leh Guddi Duqa Muqdisho arintan u xil saaray iyo Ganacsatada gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale la filayaa in Guddiga ganacsatada la kulmaan Wasiirka Maaliyada iyo Xubno sare oo dowlada kamid ah.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo rogtay Ganacsatada wax kala soo degta Dekadda Muqdisho in ay bixiyaan canshuur dheeraad ah , waxaana ka biyo diiday bixinta canshuurtaasi Ganacsatada gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari katirsan Milatariga Itoobiya oo dad Shacab ah ku laayay magaalada Qabridahar

Cabdi Cade

Madaxweyaha Soomaaliya oo doonaya in lagu taageero ladagaallanka ururrada argagixisada !!

admin

Nin xaaskiisi hore xarig la rabay oo isagii la xiray xukunna lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---