Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta oo Isniin ah lagu wado in Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya yeeshaan kulan deg deg ah , kadib markii ay baaqdeen labo isbuuc kulamadii caadiga ahaa ee golaha Wasiirada.
Kulanka maanta yeelanayaan golaha Wasiirada ayaa ah kulan xasaasi ah oo looga hadli doono arimo muhiim ah, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in laga yaabo in maanta golaha Wasiirada magacaabaan Taliyaasha booliiska iyo Nabad Sugida.
Wasiirada ayaa loo diray fariimo loogu sheegayo in ay kasoo qeyb galaan kulan deg deg ah oo maanta ka dhacaya Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kuwii hore lana sugayo waxa kasoo bixi doono.
In ka badan sadex bilood Ciidamada Nabad sugida iyo Booliiska ma laheyn wax taliyaal ah, waxaana maanta laga yaabaa in la magacaabo Taliyaasha ciidanka oo mudooyinkii ugu dambeeyay la isku hayay cida loo magacaabayo.
Shaqsiyaad badan ayaa la saadaalinayaa in laga soo dhax xuli doono Taliyaasha cusub ee booliiska iyo Nabad sugida, dadka la hadal hayo in loo magacabao Taliyaasha waxaa ku jira kuwa horey dowldahii dalka soo maray xilal uga soo qabtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com