Allbanaadir.com
NEWS

Haween u dhashay dalka Turkiga oo xukun dil ah lagu riday

Maxkamad kutaala magaalada Bagdaad ee Caasimada dalka Ciraaq ayaa xukun di ah ku riday 12-haween oo lagu helay in ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish ee laga saaray qeybo badan oo kamid ah dalka Ciraaq.

Haweenkan xukunka dilka ah lagu riday ayaa 11-kamid ah waxa ay kasoo jeedaan dalka Turkiga, waxaana haweenkan lagu helay dambi ah in ay ahaayeen  xaasaska xubno katirsanaa kooxda Daacish.

Maxkamada ayaa ku hesay haweenkan cadeymo la xariira in xaasas u ahaayeen rag ajaaniib ah oo katirsanaa kooxda Daacish, waxa ayna Maxkamada ugu dambeyn ku riday xukun dil ah.

Haweenkan ayaa laga soo qabtay magaalooyinka Mosil iyo Tal Cafar ee dalka Ciraaq, waxaana la sheegay in haweenkan inta badan laga dilay ragii qabay oo u badnaa ajaaniib dagaal u yimid Ciraaq.

Maxkamadda oo raaceysa qodobka 4aad ee xeerka la dagaallanka argagixisada Dalka Ciraaq ayaa sheegtay in haweenkan dil toogasho ah lagu xukumay maaddaama ay ahaayeen xaasaska rag ka shaqeynayay bur burinta dadka iyo dalka Ciraaq.

Dowlada Ciraaq ayaa gacanta ku heysa in ka badan 500-oo haween ah oo xubno ka ahaa kooxda Daacish sidoo kale qabeen dagaalyahano katirsan kooxdaasi, haweenkan ayaana badankood waxa ay kasoo jeedaan dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma mooddaa in Madaxda Dowladda uu ka muuqdo jil jileec halis gelin kara madaxbanaanida dalka ?

Cabdi Cade

Aadan Madoobe & wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---