Ku-simaha ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa booqday Ciidanka ilaalada Badda ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Booqashada taliyaha ayaa timid ka dib markii Ciidamada Ilaalada badda ay soo badbaadiyeen doonyo dhowr maalin lagu la’aa badda
Taliyaha ayaa Ciidamada ilaalada badda ku booriyey iney sii laba jibaaraan howsha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Genaraal Mukhtaar Xuseen Afrax,ayaa sheegay in la sameynayo isgaarsiin ay ku wada xiraan kallumeysatada badda iyo ciidanka booliska ee ilaalada badda.
Sido kale,ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amray dalxiisayaasha tagaya badda ineysan badda gelin iyagoo aan wadan jaakadda dabaasha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com