Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in gabar 14-jir Soomaali ah si arxan daro ah loogu dilay xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.
Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Ismahaan ayaa la sheegay in si xun loogu dhax dilay guri ay ku nooleyd kadibna inta meydkeeda jawaan lagu riday lasoo dhigay qeybo kamid ah xaafada Islii.
Ehelada gabadhan la dilay ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka gabadha ka dambeesay haweeney ay la nooleyd iyo dad kale oo la joogay, waxa ayna sheegeen in gabadha yar la jirdilay kadibna hilbaheeda inta la jar jaray jawaan lagu riday.
Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay xireen dad lagu tuhmayo in ay dilkan qeyb ka ahaayeen, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo sababaha keenay dilka gabadhan da’da yar.
Dhacdadan naxtinta leh ayaa mar kale qabsatay baraha bulshada xili dad badan ay ka murugeesnaayeen dil kale oo arxan daro ah oo magaalada Gaalkaco loogu geestay gabar yar oo 12-sano jir ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com