Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo fara geliyey muranka Wasaarada Maaliyada & ganacsatada (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.

Sidoo kale, kulankan ganacsatada iyo Maamulka Gobolku waxa uu hoosta ka xariiqay in canshuurtu ay tahay waajibaad saaran cid kasta oo dalka ganacsi ku leh ama wax la soo dagta, muhiimna ay u tahay dawladnimada.

“Masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta duruufaha shacabka Gobolka Benaadir. Si taas la mid ah waxaa dhammaan ganacsatada saaran waajib qaran oo ah bixinta canshuuraha, haddiise cabasho ay timi waa in laga shaqeeyaa sidii aan xal munaasab ah ku gaari lahayn oo dan u ah dadka iyo dalkaba.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow waxa uu sheegay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, tallaabadaas oo asaas u ah wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in dowlada Somalia fasaxday in dalka la keeno Qaadkii Kenya?

Caydiid Ali

Qarax caawa lagu weeraray Mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Mareykanka oo Fiiso u diiday Gabar Saaxiib la ah Boris Johnson oo mar booqasho ku timid Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---