Taliska ciidamada Mareykanka Afrika AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 dagaalyahan oo ka mid ahaa Al-Shabaab, iyadoo wax khasaare ah aysan ka soo gaarin shacabka.
Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox ka tirsan Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen deegaano miyi ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan.
“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM oo intaa ku daray iney sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan al-shabaab.
Duqeymaha ciidamada Maraykanku ka wadaan degaanada ay joogaan kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkan sii kordhay, iyagoo haatan noqday kuwo maalinle ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com