Munaasabad billado lagu guddoonsiinayay Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.
Ciidamadan oo ka socday dalka Itoobiya ayaa waxay dhameysteen shaqo howleedkoodii howlgalka AMISOM oo ahayd muddo hal sano ah.
Madaxweynaha Juballand, Taliyaha AMISOM iyo sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa ka qeyb galay munaasabadaas
Ciidamada Itoobiya ee laga sagootiyey magaalada Kismaayo ayaa lagu amaanay iney si geesinimo leh uga soo baxeen waajibaadkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com