Allbanaadir.com
NEWS

RW Yuhuuda oo ka yaabsaday Madaxda ka qeyb galaysa Shirka Munich (Daawo Sawirro)

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Iiraan.

Netanyahu ayaa Iiraan ku tilmaamay inaysan ahayn oo kali ah halista ugu wayn ee Israa’iil balse ay tahay mid khatar ku ah guud ahaan caalamka.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo khudbad ka jeedinayay shirka ammaanka ee Munich, ayaa ku eedeeyay Iiraan inay doonayso in ay maamusho bariga dhexe iyada oo u sii maraysa argagixisada.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan aqbali doonin in Iiraan ay qoorta u galiso argagixiso.

Mr. Netanyahu ayaa waxa uu soo bandhigay qayb ka mid ah haraadiga diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay todobaadkii aanu soo dhaafnay ay Israa’iil soo riday, islamarkana ay sheegeen in ay Iiraan lahayd.

Waxa uu xusay in Iiraan ay dafirayso in diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ay u soo dirtay dhulka Israa’iil toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in aysan Israa’iil ogolaan doonin in Iiraan ay saldhigyo halis ku ah dalkiisa ay ka samaysato gudaha Suuriya.

Soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku dhicii ugu horeeyay ee dhex mara militariga Israa’iil iyo Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe uu isna khudbad ka jeediyo shirka Munich ee looga hadlayo arrimaha ammaanka caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo beesha caalamka kala hadlay labo qodob oo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Rooble oo Salaan Sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---