Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Somalia oo xulaneysa Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda Dalka arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirka maanta ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha isxilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo caawa la casheeyay Ciidamo Dhoolo-tus kasoo qeyb galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashogi oo lagu xiray..

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Faah Faahin ka bixiyay heshiiska dowladda la gashay Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---