Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Belad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada iyo qof shacab ah ayaa wax yar ka hor salaada maqrib  lagu dilay magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafada howlwadaag ee galbeedka magaalada Belad-weyne, waxaana ka dambeeyey rag bastoolaado ku hubeysan sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Lama garanayo sababta loo dilay qofka shacab ahaa balse waxaa malaynayaa iney u gudbeen rasaastii askariga lagu furay, maadaama uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn.

Ciidamada amaanka magaalada Belad-weyne oo goobta gaaray ayaa qaaday meydadka askariga iyo qofka shacabka ah ee lala dilay, waxayna sidoo kale halkaas ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo sidii loo soo qaban lahaa dableyda dilalka geysatay oo ka baxsaday goobta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay sababta Waqtiga Dheer u qaatay Weerarkii Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamze Barre oo warbixin ka dhegeystay Wasiirka amniga gudaha

Caydiid Ali

Duqa Magaalada Garowe oo ka hor yimid Mashruuca Madaxweyne Deni ee Yogo day

Caydiid Ali
Taboola Ads ---