Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ka socda dalka Qadar oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey kana hadlay ujeedka safarkooda (Daawo Sawirro)

Wafdi ganacsato ah oo ka socda dalka Qadar ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa wafdigan ku soo dhoweysay Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Fahmo Axmed Nuur ayaa sheegtay in ganacsatadanĀ  ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .

Wasiir FahmoĀ  oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Xubno ka mid Wafdiga oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney soo booqdaan xiligan Soomaaliya. iyagoo sheegay iney u yimaadeen halkan sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.

GanacsatadanĀ  ka socday dalka Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxaa lagu wadaa inay la kulamaanĀ  Wasaaradaha ka shaqeeya wax soo saarka falka iyo Madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iyagoo u kuur gali doona fursadaha maalgashiga dalka ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo qaaday talaabo ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir sheegay in Muqdisho yaalaan Isbaarooyin Gaadiidka Lacago looga qaado

Cabdi Cade

Dib u dhac kooban oo ku yimid Shirkii Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---