Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Xaaf oo bilaabay dhaqan galinta amar uu dhowaan soo saaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa booqday waaxda dhul bixinta Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo.

Xaaf ayaa bilaabay qaadashada waraaqda lahaanshaha dhul uu halkaas ku leeyahay kaasoo si toos ah ay ugu sharciyeysay waaxda dhul bixinta dawladda hoose ee Gaalkacyo waxa uuna shacabka reer Gaalkacyo uu ugu baaqay in ay dhulalkooda sharciyeystaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan dawladda hoose faray inay si dhaqso leh ku bilaabaan sharciyeynta dhulalka iyo dhismayaasha Magaalada Gaalkacyo.

Talaabadan ayuu sheegay Xaaf in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii looga hortegi lahaa dadka sida sharci darada ah u sheegta dhulalka aysan laheyn, iyadoo dowlada hoose ay xaqiijin doonto dadka dhulalka iska leh ka hor inta aan lo sharciyeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Gen. Odawaa oo safar qarsoodi ah ku jooga Eritrea & Ciidan loo soo wado Muqdisho

Caydiid Ali

Shirkadda Taran oo sameyneysa xog aruurin aragtida dadweynaha Somaaliyeed

Cabdi Cade

Gabar aargudasho Layaab leh ku sameesay Saaxiibkeyd oo Qiyaanay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---