Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dal Afrika kuyaala oo Maxkamad gaar ah u sameesanaya falalka Musuq maasuqa

Dowlada Koonfur Afrika ayaa sameesaneysa Maxkamad gaar ah oo loogu tala galay in la saaro dadka loo heesto dambiyada la xariira musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta ay ku dhaqaaqaan Masuuliyiinta iyo dadka kale.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in maxkamaddaasi ay ahmiyad gaar ah siin doonto dacwadaha ay horkeenaan waaxda baaritaannada khaaska ah qaabilsan.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa dooneysa in maxkamada gaarka ah ee la saarayo dadka musuq maasuqa sameeya ku cabsi galiso siyaasiyiinta caadada ka dhigtay in falal musuq maasuq iyo xatooyo ku kacaan inta ay xilka hayaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa marar badan lagu soo eedeeyay falal la xariira musuq maasuq, waxa ayna eedeemahaasi soo dedejisa in Jocob Zuma xilka ka dego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo guddi u magacaabay dib u soo celinta Ciidankii la geeyay Baladweyne (Magacyada) .

Cabdi Cade

Ku dhowaad kun arday ka qelin jebisay Jaamacadda Jobkey oo shahaadooyin la gudoonsiiyey

Caydiid Ali

Dab saaka aroortii qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---