Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Cabduqaadir Maxamuud Cali (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya oo dil bareer ah u geestay nin darawal ahaa.

Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali ayaa lagu helay in dil bareer ah degmada Mahaday ugu geestay  Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkan ayaana ka dhacay koontarool ciidanka gaadiidka lacago uga qaadaan.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka, maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamada ciidamada Xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali .

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey xukuno dil ah ugu riday askar iyo xubno kale oo loo heesto in ay dilal geesteen, dadkaas ayaana qaarkood wali xabsiyada ku jira iyada oon lagu fulin xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo COVID-19

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo madaxda Soomaalida uga hormaray Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo mar kale eedeyn dusha kaga tuurtay Dowladda Imaaraadka Carabta

admin
Taboola Ads ---