Tartanka Jaaliyadaha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dhowaan ka fuirmay Garoonkan IFCU ee magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa si habsami leh halkaas uga socda.
Abdirazaak Jeereey oo kamid ah aas aasayaasha garoonka ahna masuulka kala shaqeynayay jaaliyada tartankaan ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyay in tartankan ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Uganda kuwaasi oo sameeyey kooxo ku kala cayaaraya magacyada Maamul goboleedyada ka jira Somalia oo kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.
Kooxda Kubada Cagta Jaaliyadda gobolka Banaadir ee magaalada Kampala ayaa 4-2 ku xasuuqday kooxda Jaaliyadda Hirshabelle ciyaar ka tirsaneyd tartanka Jaaliyadaha maamul goboleedyada oo ka dhacday magaalada Kambala.
Ciyaarahan oo si xiise iyo xamaasad leh uga socda garoonka 5-side ayaa waxaa u soo daawasho taga boqolaal qof oo ka tirsan Jaaliyada Soomaalida ku nool Kampala, kuwaasoo kala taageeraya kooxaha ka qeyb galaya tartankan.
Waa sanadkii labaad ee tartankan lagu qabanayo magaalada Kambala, waxaana sanadkii hore Koobka Jaaliyadaha dowlad goboleedyada ee dalka Ugandha ku guuleysatay Kooxda Galmudug.