Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Maraykanka oo War ka soo saaray duqeymihii xalay ka dhacay Sh/hoose

Ciidamada Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeymo xalay dayuuradahoodu ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in illaa afar weerar ay xalay ka geysteen Sh/hoose.

Labo ka mid ah weerarada ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka inay ka dhaceen degaanka Kuunya Barow, mid kalena lala eegtay Awdheegle, halka weerarka 4-aadna uu ka dhacay degaanka Janaale.

War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo taageeraya kuwa Soomaalida ay baabi’iyeen baro kooxda Al-shabaab ay canshuuro ku qaadi jireen.

Laba dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayuu Maraykanku sheegay in lagu dilay duqeymahan u dambeeyey, iyagoo xusay iney sii wadayaan weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada dowladda.

Warkan ayaa ku soo aadaya xili Al-shabaab ay soo bandhigtay meydadka dad shacab ah iyo dhismeyaal rayidku degenaa oo ay sheegeen iney xalay burburiyeen ciidamada Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo cadeeyay cida noqoneysa ku simaha Madaxweynaha (Akhriso)

Cabdi Cade

Farmaajo maxaa la gudboon Hadii ay kasoo horjeestaan Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe?

Cabdi Cade

Hotelka Xayaat oo la burburiyay iyo Shacabka oo layaaban hab dhaqanka Ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---