Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka XDS & la taliyaha amniga ee Madaxweynaha oo qoraalo kulul is dhaafsaday (Akhriso)

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali kaasoo ka dhashay qoraal la taliyuhu u diray taliska xoogga dalka.

Warqada uu diray la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca amaanka oo talo soo jeedin aheyd oo ka hadleysay arrimaha ciidamada Xoogga dalka iyo in aan amar la’aan la qeybin hubka iyo rasaasta, isla markaana macluumaadka lala wadaagi karin Beesha Caalamka wakiilada u jooga Somalia.

Balse, Warqad jawaab ah oo ka soo baxday taliyaha ciidanka XDS ayaa digniin loogu jeediyay la Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arrimaha Amniga, waxaana loogu sheegay in aanu awood u laheyn inuu soo farageliyo arrimaha ciidamada, ayna yihiin arrimahaas kuwo u yaalla taliska ciidanka iyo Wasaarada Gaashaandhiga

La Taliyaha ayaa looga digay inuusan mar dambe warqada noocaas  uu u soo qorin Xafiiska Taliyaha Ciidamada xoogga dalka

Hoose ka akhriso qoraalada ay labada dhinac isdhaafsadeen:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Rooble oo kulan la leh Qoor-qoor, Guudlaawe, Musharaxiin iyo siyaasyiin kale

Caydiid Ali

Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la qaatay Andreasvon Vexkull (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday hadal ka nixiyay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---