Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laamaha amniga oo faahfaahin ka bixiyey dilkii Boqore iyo rag loo xiray

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in laamaha Amniga ay qabteen laba ruux iyo Gaari ay wateen, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka qeyb qaateen dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Waxa uu sheegay taliyaha in kiiska dilka ah ee loo geystay Xildhibaanka aan intaasi looga hari doonin, isla markaana ragga la hayo baaritaano lagu sameyn doono, sidoo kale kuwo kale oo uu sheegay inay maqan yihiin ay ku raad joogaan.

Cadaaladda ayuu sheegay in dhawaan  la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu toogtay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu da’da weyn ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu mar ka mid noqday guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray dalka Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Xulka Qadar oo caawa si Xarako leh ugu guuleestay Asian Cup (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiye u qubeeyey taalada X/taako & sharadkii Galmudug oo la furay (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---