Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo si kulul uga hadlay dilka Xildh. Boqore, amar culusna siiyey laamaha aminga

Madaxweynaha Soomaaliya axamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Sharma-shiikh ee dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, waxaana maqribnimadii caawa kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.co

Related posts

Madaxweyne caan ah oo lagu Maadsaday ka dib markii uu dalacsiiyey Jeneraal dhintay

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweynaha K/Galbeed oo la dardaarmay Boolis la geynayo Sh/hoose

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku sii jeeda Kismaayo & Xog ku aadan safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---