Booliska Kenya ayaa shaaciyay Magacyadda raggii ka dambeeyay weerarkii Macaliinta lagu laayay ee ka dhacay jimcihii Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Macalin.
Saraakiisha Booliska waxay sheegeen Baaritaano ay sameeyeen iney ku ogaadeen raggii weeraray Macaliinta iney kala ahaayeen Macalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.
Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku daba jirraan raggaasi, isla markaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminayey Macallin Cabdullahi kaasoo uu sheegay inuu ka soo jeedo degaanka Bojigaras, isaga oo xusay inuu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.
Dadka weerarkaas lagu dilay ayaa kala ahaa labo macallin iyo xaaska mid ka mid ah Macallimiintaas, kuwaasoo aan u dhalan Gobolka waqooyi Bari
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin iyo dad kale oo Kenyan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ