Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo ka hadlay, kana tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Cismaan Boqore

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho.

Dilka xildhibaanka ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga, sidoo kalena horeu u dilay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa dowlada.

Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii, Qaraabadii iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka, isagoo Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Dhinaca kale, Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.co

Related posts

Guddoomiye ku-xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool oo ku biiray xoogaga SSC

Caydiid Ali

Daawo:-Yaa Ka masuul ahaa howlihii lagu burburinayay dugsiga hoyga Xamar & Taliska Booliska Soomaaliyeed oo …

admin

Janaraal Xuud oo sheegay in ciidankiisa heestaan Baladweyne Maamul cusubna dhisayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---