Allbanaadir.com
NEWS

Xildihaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo goor dhow Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow waxay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Xildihaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Goob-joogayaal ah sheegay in dilka uu ka dhacay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla  degmada Kaaraan.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobtaas, iyagoo qaaday meydka Xildhibaanka, iyadoo warar aan la xaqiijina ay sheegayaan in la qabtay dableyda dilkaas fulisay.

Boqore ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ku jira Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin dilkan, waxaana Boqore uu noqonayaa xildhibaankii ugu horeeyey ee sanadkan 2019 lagu dilo magaalada Muqdisho.

la soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo gudaha u galay Kenya & digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Dabley hubeysan oo caawa toogasho ku dishay Cabdinaasir Max’uud Cabdi

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare hore oo lagu arkay Muqdisho isaga oo lugeenaya iyo Sabab keentay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---