Allbanaadir.com
NEWS

Burundi oo Bilowday in Qaar kamid ah Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Dowlada Burundi ayaa bilowday in Soomaalia kala baxdo qaar kamid ah ciidamadeeda howlgalka Nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya, kadib markii Midowga Afrika ku amray Burundi in ay dhinto ciidankeeda jooga Soomaaliya .

Sida aan Wararka ku helnay ilaa 200-askari oo katirsanaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ahaa AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhoofay magaalada Muqdisho kuwaa oo dalkooda dib ugu laabtay.

Sargaal katirsan ciidanka Burundi ayaa sheegay in uu bilowday qorshihii Burundi Soomaaliya ugala baxeysay kun askari oo ciidankeeda katirsanaa, waxaana sidoo kale la filayaa in Burundi ciidamo kale Soomaaliya kala baxdo.

Dowlada Burundi ayaa aad uga xumaatay in Soomaaliya kala baxdo qaar kamid ah ciidankooda AMISOM katirsan, waxa ayna dowlada Burundi ku hanjabtay in dhamaan kala baxeyso ciidankeeda jooga Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa Dowlada Burundi Soomaaliya kala baxdo kun askari oo ciidankeeda kamid ah, waxaana qorshahan uu yahay mid Midowga Afrika ku dhimayo Ciidamada AMISOM ee ka howlgalaa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho beri ka dhaceysa Baydhabo iyo 12 musharax oo isku taagay (Magacyada)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey sharci Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---