Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowlada Qadar kala wareegtay Gaadiid loogu tala galay Ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana gaadiidkan oo gaaraya ilaa 30-xabo nuuciisu yahay Landcroser .
Gaadiidkan ayaa Dowlada Qadar ugu tala gashay in ay ku howl galaan ciidanka booliiska , waxaana si rasmi ah gaadiidkan ula wareegay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale kadib munaasabad kooban ka dhacday gudaha Dekadda Muqdisho.
Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Bin Xamsa ayaa gaadiidkan ku wareejiyay Wasiirka Amniga Gudaha, waxa uuna Safiirka sheegay in gaadiidkan ugu tala galeen ciidanka booliiska Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.
“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh Cabdalla C/naasir Bin,wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay,waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah,kuwaasi oo loogu talaglay in Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.
Dowlada Qadar oo Saaxiib dhaw la ah Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata mid xoojineysa taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxa ayna Qadar dhawaan balan qaaday fulinta Mashaariic horumarineed oo dalka laga fulinayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com