Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil loo xiray tacadi lagula kacay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in taliyaha taliyaha ururka 60-aad ee ciidanka XDS uu  ku wargaliyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddi lagula kacay wariyeyaal Soomaaliyeed.

Falkan ayaa  dhacay 18kii Bishan, waxaana baraha bulshadda  lagu baahiyay muuqaalka saddex wariye oo Lugaha iyo Gacmaha inta laga xiray xabadka loo dhigay meel qorax ah magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen tacadiga lagula kacay wariyayaasha, isla markaana ay su’aalo weydiinayaan laamaha Danbi baarista dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in saraakiil ciidan loo xiray tacadi lagula kacay suxufiyiin Soomaaliyeed oo inta badan cabasho ka muujiyey hab dhaqanka ciidamada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garawe oo lasoo gabo gabeeyay (Daawo Sawirada)

admin

Maxaa keenay in Macalimiinta ajnabiga ah laga saaro gobolka Soomaalida Kenya?

Caydiid Ali

Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Marwadii Cali Khaliif amarna siiyay Xukuumada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---