Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi ku dhawaaqay in Maamul goboleed cusub dhisayo oo lagu xiray Somaliland

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska maamulkaasi gacanta ku dhigeen Nin Siyaasi ah oo dhawaan ku dhawaaqay in uu dhisayo Maamul goboleed cusub oo ka madax banaan Somaliland.

Siyaasiga Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu dhisayo maamul la magac baxay Saaxiland oo ka madax banaan maamulka Somaliland uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Madaxda maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka caroodeen hadalka Siyaasigaasi ku dhawaaqay waxa ayna amreen in ninkaasi si deg deg ah loo soo xiro loona horgeeyo Maxkamad.

Siyaasiga la xiray ayaa si weyn uga soo horjeestay Shirkada Imaaraadka ee lagu wareejiyay Dekadda Berbera, waxa uu sidoo kale kasoo horjeeday sahaminta shiidaalka ee laga bilaabayo magaalada Berbera .

Maamulka Somaliland ayaa xarig ku haya dadka Siyaasada maamulkaasi kasoo horjeesta ama taageera Siyaasada Soomaaliweyn, waxaana deegaanada maamulkaasi ku xir xiran dad badan oo Siyaasad u xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Kheyre oo si rasmi ah u daah furay Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

13 Khalad oo dhinaca hab maamuuska qaranka oo dhacay mudadii qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---