Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Jaariyad ah oo si xun loogu dilay dalka Kuwait 

Haweeney u dhalatay dalka Filibiin oo jaariyad ka aheyd dalka Kuwait ayaa meydkeeda laga helay qaboojie yaala guri laga guuray, waxaana jirka haweeneydaasi ka muuqday dhaawacyo.

Booliiska Dowlada Kuwait ayaa sheegay in ay baaritaano ku sameenayaan meydka haweeneydan meydkeeda laga helay guri laga guuray, waxaana la tuhmayaa in haweeneydaasi si xun u dileen qoyskii u shaqeeneysay.

Meydka Haweeneydan la dilay oo lagu magacaabo Joanna Daniela Demafelis ayaa la geeyay dalka Filibiin, waxaana haweeneydan shaqo u tagtay dalka Kuwait oo ugu dambeyn lagu dilay.

Dowlada Filibiin ayaa haweenka u dhashay dalkeeda ka mamnuucday in ay tagaan shaqana u raadsadaan dalka Kuwait, waxa ayna dowlada Filibiin si kulul u cambaareesay dilka haweeneydan loo geestay.

Filibiin ayaa horey Haweenka dalkooda uga mamnuucday in ay tagaan dalal kuyaala Khaliijka, waxaana Wadamada Khaliijka qaarkood si xun loogu ciqaabaa haweenka jaariyaadka ah ee kasoo jeeda.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wiil uu Adeer u ahaa masuul katirsanaa Al Shabaab oo isku qarxiyay Baar Sanguuni (Akhriso Magaca)

Cabdi Cade

Hay’adda HRW oo War cusub kasoo saartay Xasuuqii Gololey baaqna u dirtay Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Ben Fender (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---