Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

 Shirweynaha Qaran ee bandhiga iyo Xaqiijinta Hanaanka Dhab u heshiinta oo galay Maalintii 2aad (Sawirro)

Waxaa maalintii labaad galay Shirweynaha Qaran ee Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socdo Maamul goboleed-yada, Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo shalay furmay ayaa maanta looga dooday natiijooyinka kasoo baxay wadatashiyo hore loogu qabtay dhamaan dowlad goboleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir, waxaana kamid ahaa 14-Wadatashi oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuuso-mareeb, Jowhar iyo Baydhabo, kuwaasi oo ay ka qeyb galeen in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dhab-u-heshiin Bulsho, oo u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan.

Maalinta Birito ayaa lagu wadaa in shirka la soo xiro, islamarkaana lagu soo bandhigo natiijada aragtiyada wax dhisaya ee ay isdhaafsadeen ka soo qeyb galayaasha oo matalaya dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Saciid Ciise: “Yaa ku haboon wadatashiga isbedelka lagu sameynayo masiirka ummadda?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay Xaalada Eng. Yariisow

Caydiid Ali

Nin Caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro caruusada iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---