Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo goor dhow la dilay

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil ka geysatay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa fuliyey dabley wadatay Mooto oo toogasho ku dilay wiil dhalinyarro ah oo ka tirsanaa dadka degaanka sida wararku sheegayaan.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal uu ka tirsana masuuliyiinta xafiiska Xeer ilaalinta dowladda Soomaaliya, isagoo u geeriyooday rasaastii lagu furay.

Falka kadib waxaa goobta gaaray ciidamada Amniga oo baaritaan ka sameeyay halkaasi, iyagoo baadi goobaya raggii dilka fuliyey oo goor hore baxsaday.

Dilalka loo geysto shaqaalaha, ciidamada iyo dadka kale ee la shaqeeya dowlada ayaa had iyo jeer ka dhaca magaalada Muqdisho, Al-shabaab ayaana intooda sheegata iney masuul ka aheyd, inta badana laguma guuleysto dableyda fulisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Naadigii K/Cagta ee Munishiibiyo oo 28 sano ka dib boorka laga jafayo (Sawirro)

Caydiid Ali

R/Wasaare Kheyre oo booqday Xarumo Garawe kuyaala (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---