Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Haile-mariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey iska casilaadiisa xilkii ra’iisul wasaarenimo iyo kii xisbiga haya talada dalkaas ee uu ka tirsanaa.
“Xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale,” ayuu Hailemariam ku yiri hadal uu ka jeediyay Telefishinka Qaranka dalkiisa Maanta.
Waxaa uu intaas ku daray in qorshaha is-casilaadiisa ay qayb ka tahay hannaanka dib u habeynta siyaasadda dalka, si waddanku u helo deggenaasho siyaasadeed iyo dimuqraadiyad.” ayuu yiri raisul wasaare Desilegn oo talaabada uu qadaay dad badan ay ku noqotay lama filaan
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee xilka iska casilay, ayaa sheegay in xilka uu sii haynayo tan iyo inta xisbiga talada dalkaas haya ee EPDRF uu ka aqbalayo is-casilaaddiisa, lana soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo xilka kala wareega.
Boqolaal qof ayaa ku dhintay qaar kale oo badana xabsiyada ayaa la dhigay Rabshadaha ka socda qeybo ka mid ah Itoobiya oo sannadihii lasoo dhaafay cirka isugu sii shareerayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com