Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo kulansiinaya Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Buuxi

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu kulansiinayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in beri uga sii gudbo magaalada Adis Ababa, waxaa sidoo kale beri magaaladaasi ku wajahan Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi.,

Ra’iul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay  Adis Ababa, waxa uuna Abiy doonayaa in markii ugu horeesay is hor fariisiyo Farmaajo iyo Muuse Biixi oon horey u kulmim.

Ajandaha kulanka la filayo in Adis Ababa ku yeeshaan Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaan wali la ogeyn, waxaana labada dhinac wadahadlo ugu dambeysay sanadkii 2015-kii xiligaa oo talada labada dhinac kala hayeen Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo

Madaxtooyada Soomaaliya iyo mida maamulka Soomaaliland ayaan wali wax war ah kasoo saarin safarka labada masuul ku tagayaan magaalada Adis Ababa iyo kulanka la filayo in markii ugu horeesay fool ka fool ku yeeshaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo looga sheekeeyey Qiso oday 60 jir ah ku qabsatay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Qalab ay aad ugu bogeen una Iibsadeen Lamaanayaal kala fog fog oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Ilhan Omar oo Su’aalo Adag uga naxsatay Elliott Abrams (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade