Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Booliiska Jubbaland oo lagu wareejiyay Qalab kala duwan oo Muhiim ah (Daawo Sawirada)

Taliska ciidanka booliiska AMISOM ayaa maanta qalab kala duwan oo muhiim u ah shaqadooda ku wareejiyay ciidanka booliiska maamul goboleedka Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo.

Qalabkan ciidamada booliiska maamulka Jubbaland maanta lagu wareejiyay ayaa waxaa kamid ah qalabka lagu baaro miinooyinka, Cumbuyuutaro, qalabka isgaarsiita iyo qalab kale oo kala duwan.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mahad celiyay qalabkan maanta lagu wareejiyay ciidankooda booliiska, waxa ayna masuuliyiinta Jubbaland sheegeen in qalabkan uu wax badan ka saacidayo booliiska Jubbaland.

Ciidanka booliiska AMISOM ayaa dhinacyo kala duwan ka taageera booliiska Soomaaliya iyo sidoo kale booliiska maamul goboleedyada, waxaana booliiska AMISOM ka howlgalaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sharaxo Sababo loo aamini karo Itoobiya

Cabdi Cade

Dil Wiil Dhalinyaro ah loogu geestay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Muxudiin Saabey oo Shaaciyay in uusan Cuqdad iyo xumaan u qabin…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---