Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Afrikan ah oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ugu sareeya ciidanka Militaga

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa u magacaabay in uu noqdo Taliyaha ugu sareeya Milatariga dalkaasi, waxa uuna wiilkan noqonaya ninka labaad ee ugu awooda badan Uganda.

Generaal Muhoozi Kainerugaba oo 44-sano jir ah ayaa aabihiis u magacaabay in uu noqdo taliyaha ugu sareeya ciidanka Milatariga, waxaana sargaalkan uu horey xilal uga soo qabtay ciidanka Milatariga dalkaasi.

Wiilka Madaxweyne Yoweri ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, waxa uuna hada noqonayaa ninka labaad ee ugu awooda sareeya Milatariga Uganda, waxaana ka sareeya Aabihiis oo ah madaxa ciidammada qalabka sida.

Generaal Muhoozi Kainerugaba ayaa la sheegaa in uu yahay ninka bedelaya aabihiis oo hada 81-sano jir ah, waxaana dadka Uganda ay rumeesan yihiin in wiilkan loo diyaarinayo in uu booska ka bedelo aabihiis mudo dheer talada dalka Uganda hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Zelensky oo booqday Magaalo ay xasuuq ka geysteen ciidanka Ruushka

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Amiir Maxamed Binu Salmaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Walaac hor leh oo soo wajahay Doorashada Soomaaliya iyo Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---