Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arimaga Dibadda Kenya oo wax laga weediinayo Khilaafka Somalia iyo Kenya

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa u yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma si ay wax uga weediiyaan khilaafka Siyaasadeed ee xiligan soo kala dhax galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoraya in Munica Juma oo safar uga soo laabatay dalka Jarmalka ay maanta hortageyso Baarlamaanka Kenya si ay uga jawaabto su’aalo laga weediinayo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ayaa Baarlamaanka  la filayaa in ay u sharaxdo waxa uu salka ku hayo khilaafka labada wadan ee soo shaac baxay, waxaana Wasiirada laga yaaba in shaaciso khilaafka waxa uu salka ku hayo.

Katoo Metito oo ah Gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Wasiirka u yeereen si ay wax uga weediiyaan waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafla u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray, waxa ayna labada dal hawada iskumariyeen qoraalo la isugu jaaabayo,khilaafkan ayaana laga cabsi qabaa in sii xoogeesto hadii aan xal diblumaasiyadeed oo deg deg ah laga gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane xafladooda arooska socotay iyo dad kale oo ka badan 100-qof oo hal goob ku dhintay

Cabdi Cade

Gunooyinka Golaha Wasiirada Somalia oo qeyb laga jaray iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo abaabul Dagaal wada iyo madaxweynaha oo ammar laga sugayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---