Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in ciidamo katirsanaa dowlada Federaalka Soomaaliya ay siyaabo kala duwan iskaga soo dhiibeyn deegaano ay Al Shabaab maamulaan.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 10-askari oo katirsanaa ciidanka dowlada ee ku sugan degmada Baardheere ay isku dhiibeen maamulka Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.
Askartan ka goosatay ciidanka dowlada ayaa la sheegay in la horgeeyay Maxkamada Al Shabaab ayna halkaasi ka qirteen in ay kasoo goosteen ciidanka dowlada ay katirsanaayeen kadib dhibaatooyin ay sheegeen in ay la kulmeen.
Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Fiidow ee kuyaala xadka Gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan lagu soo dhaweeyay ciidamo kale oo katiranaa dowlada oo dhankooda usoo baxsaday.
Ma jiraan ilo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya warkan ku aadan in ciidamo katirsanaa dowlada ay isku soo dhiibeen dhankooda, waxa ayna horey marar badan Sbabaab usoo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen.
 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com