Allbanaadir.com
NEWS

Nin 17 arday ku laayey Iskuul ku yaalla gobolka Florida oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 17-qof ayaa dhimatay ka dib markii nin 19 sano jir ah uu rasaas ku furay Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska.

Ninka looga shakisan yahay inuu geystay falkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Nicolas Cruz, kaasoo horay uga mid ahaa ardayda Dugsigaasi, ka hor inta aan laga eryin.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca goob waxbarasho marka laga yimaado weerarakii lagu dilay 26-ruux ee ka dhacay Dugsi ku yiillay gobolka Connecticut sanadkii  2012-kii.

Wiilkaasi ka dambeeyay dilka dadkaasi  waxaa lagu qabtay degaanka  Coral Springs isagoo dhaawac fudud qaba, daaweyn ka dib waxaa la dhigay xabsiga Booliiska.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu xasuuqay magaalada Gaza oo Korortay iyo Caalamka oo…

Cabdi Cade

Faahfaahin: Ciidamada dowlada oo galabta dil fool xun ka geystay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Turkiga oo ku guuleestay Tijaabinta Gantaal casri ah oo burburin kara Maraakiibta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---