Doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.
Kursiga waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Somalia oo 3-dii May 2017-kii uu toogtay askari ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii hore Qaranka Dr. Nuur Faarax Madaxtooyada Soomaaliya meel ku dhow.
Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona Maxamuud Siraaji oo la dhashay Cabaas Siraaji iyo musharax kale, iyadoo la saadaalinayo in Maxamuud Siraaji uu ku soo bixi doono, Â Â waxaana isaga haray doorashadan Wasiirka Howlaha Guud Saadaq C/llaahi oo ka mid ahaa Musharaxiinta kursigan u tartami lahaa ka dib culeys kaga yimid madaxtooyada Somalia, iyadoo Magaalada Kismaayo ay diyaar ku yihiin dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in ay shalay bilaabeen hubinta Ergooyinka, sidoo kalena ay xaliyeen wixii tabasho ah, islamarkaana doorashada maanta ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.
Amniga Magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka qaar ee magaalada, si looga hortago arbushaad dhacda inta lagu guda jiro Doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com