Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo albaabada iskugu dhufatay xaruntii Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garoowe

Dowlad goboleedka Puntland ayaa albaabada u laabay xarun uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ka furtay magaalada Garowe.

Xaruntan oo la furay 31-kii Jannaayo 2019, ayaa maanta amar lagu bixiyey inuu sharci darro yahay oo la xiro.

Amarka lagu xiray xaruntan ayaa waxaa bixiyey Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/salaan Xassan Xirsi (Gu’ jir) sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Puntland ayaa ku doodaysa inaysan dooneyn inuu saameyn ku yeesho dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada federaalka iyo Xisbiyada ka jira Muqdisho.

Waxaa kale oo Puntland ay amar ku bixisay in xisbiyada ka dhisan Soomaaliya aysan xarumo ka furan karin degaannada Puntland, ka hor inta laga dhaqan gelinayo sharciyada arimahaas la xiriira, iyadoo dhinaca kale aysan jirin war arintan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumandoska ee Danab oo howlgalo ka wada degmo ka tirsan Sh/hoose

Caydiid Ali

Sargaal ciidan iyo ilaaladiisa oo weerar gaadmo ah lagu dilay iyo xiisad ka..

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo ka hadlay Xad-gudubka Itoobiya garab istaagna u muujiyay Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---