Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalmahan uga socda magaalada Nairobi Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Jabhada ONLF.
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag inay soo dhaweynayaan.
“Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo labada dhinac ugu baaqay iney la yimaadaan tanaasul si wadahadalka uu u miro dhalo.
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa 11-kii bishan February 2018 ka furmay Shir u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF ee ka dagaalanta dhulka maamulkaasi.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo dhexdhexaadinaya.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Nairobi ee la xiriira wadahadalkan ayaa waxay ku waramayaan in dhinacyadan qodobada qaar ay isku mari la’yihiin shirkana uu qarka u saaran yahay inuu lagu kala dareero.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com