Allbanaadir.com
NEWS

Kumaandooska Somalia oo qarxiyay Gaadiid Al Shabaab qaraxyo ku diyaariyeen (Daawo Sawirro)

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah oo dhawaan howlgal ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa qarxiyay gaadiid qaraxyo lagu diyaarinayay.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidanka Kumaandooska Soomaaliya deegaanada Mubaarak iyo Owdheegle ku qabteen kuna qarxiyeen gaadiid Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.

Gaadiidka la qarxiyay oo gaarayay ilaa afar ayuu sheegay Abuunduulaha Ciidanka Milatariga in Al Shabaab qorsheenayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho kuna geestaan weeraro.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee la wareegay maalin kahor deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dib uga soo baxay, waxaana deegaanadaasi mar kale gacan ku heyntooda la wareegay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daanyeer lagu daray Liiska dembiilayaasha loogu doontisa badan yahay dalka Japan

Caydiid Ali

Hanti dhowrka Qaranka oo ka jawaabay eedeymo kaga yimid Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

DF oo wada qorshe aan la mahdin doonin & Golaha wadatashiga oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---