Allbanaadir.com
NEWS

Morgan Tsvangirai oo ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Sargaal sare oo katirsan Xisbiga Mucaaradka uu hogaaminayay Morgan Tsvangirai ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta geerida Hogaamiyahan oo caan ka ahaa dalka Zimbabwe xilal kala duwana horey uga soo qabtay.

Morgan Tsvangirai oo 65 sano jir ah ayaa u geeriyooday Kansar mindhiciraha kaga dhacay, waxa mudooyinkii ugu dambeeyay kunoolaa dalka Koonfur Afrika uu u joogay daaweynta cudurka ku dhacay.

Hogaamiyahan ayaa horey usoo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Zimbabwe, waxa uu hada ahaa hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dowlada Zimbabwe, waxaana ninkan lagu xasuustaa sidii uu uga soo horjeeday dowladii Robert Mugabi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo caawa Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb & Xog ku saabsan furitaanka Shirka wada tashiga

Caydiid Ali

Kabo Qofka Indhoolaha caawinaya oo lasoo saaray! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---