Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo cabasho ka qabtay canshuuro dheeraad ah oo Wasaarada Maaliyada kusoo rogtay ganacsatada.
Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre la qaatay Ganacsatada waxaa ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masâuuliyiin kale.
Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirada wehliyay ayaa ganacsatada kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay canshuur kordhinta Wasaarada Maaliyada ku sameeysay Ganacsatada, waxa uuna ganacsatada ka codsaday in ay bixin canshuurta si dhaqaalaha kor loogu qaado.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, ayaa sheegay in R/Wasaaraha kala hadlay ganacsatada sidii ay u bixin lahaayeen Canshuurta waajibka ku ah .
âAniga iyo R/wasaare Xasan Cali kheyre waxaa la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kawada hadalnay Bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin , waana muwaadiniin kasoo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaaâ ayuu yiri Wasiir Beyle
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kasoo horjeestay canshuur kordhin Wasaarada Maaliyada ku sameeysay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay hakad galay dhaq dhaqaaqyadii ka jiray Dekadda Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com