Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsatada Kenya ee Jaadka keenta Soomaaliya oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Xiriirka sii xumaanaya ee hada u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga cabsi qabaa in saameyn diblumaasiyadeed kaliya uusan reebin balse saameyn xoogan ku yeesho ganacsiga labada wadan u dhaxeeya.

Dowlada Kenya ayaa maalin walbo lacag aad u tiro badan ka faa’ida jaadka ay keento Soomaaliya, waxa ayna saameyn ku yeelaneysaa Ganacsatada Jaadka Kenya hadii Soomaaliya ay dalka ka joojiso in jaadka Kenya la keeno.

Ganacsatada Jaadka ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ka dhalatay muranka xuduuda Badda ee u dhaxeeya labada wadan.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxbanaanida dalkooda aysan siisaneyn dhaqaalaha kasoo gala ganacsiga jaadka ee u suuq geeyaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in mar kasta labada wadan ay is qabtaan ay Soomaaliya ku hanjabto in ay joojineyso jaadka Kenya laga keeno ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee Soomaaliya.

“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yiri mr Kimathi Munjuri.

Jaadka dalka Kenya ka baxa ayaa dalka ugu badan ee la geeyo yahay Soomaaliya, waxa ayna Kenya Ganacsiga jaadka ee Soomaaliya ka faa’iidaa malaayiin dollar, halka dadka Soomaaliyeed iyana jaadka ka faa’iidaan khasaaro maaliyadeed iyo mid caafimaad .

Hadalka kasoo baxay ganacsatada Kenya ee Jaadka keena Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shacabka Soomaaliyeed intooda badan dowlada Federaalka ugu baaqeen in ay dalka ka joojiso Jaadka laga keeno dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abaabulka Banaan bax looga soo horjeedo Shirka maanta London ka furmaya oo socda

Cabdi Cade

Askari Hooyadiis iyo xubno kale oo Qoyskiisa kamid ah ku laayay Muqdisho

Cabdi Cade

Awaamiir ka soo baxday Israel oo ka dhaqan galay Lubnaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---