Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mashaariic ay Soomaaliya u balan qaaday Dowlada Qadar oo maanta la dhagax dhigayo

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhagax dhigo Mashaariic dhismo wadooyin oo ay horey u balan qaadeen dowlada Qadar in ay ka fulineyso Soomaaliya.

Mashaariicda maanta la dhagax dhigayo ee dowlada Qadar maalgalineyso ayaa waxaa kamid ah dhismaha Wadooyinka isku xira magaalada Muqdisho iyo labada gobol ee Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.

Madax sare oo katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhagax dhigaan mashaariicdan horu marineed ay maalgalineyso dowlada Qadar oo hada saaxiib dhaw la ah Soomaaliya.

Qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay loo xiray dhagax dhiga mashaariicdan, waxaana wadooyinka xiran kamid ah Laamiga Wadnaha ,30-ka iyo Laamiga Warshadaha qeybo kamid ah.

Dowlada Qadar ayaa horey u balan qaaday in ay dhiseyso Wadooyinka Muqdisho ku xira labada Shabeelle, waxa ay sidoo kale dowlada Qadar balan qaaday in ay fulineyso mashaariicyo kale oo dan ugu jirto Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ku burburtay garoonka Bali-doogle iyo AMISOM oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Ukraine oo xaqiijisay Isku-daygooda lagu dili lahaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya

Cabdi Cade

AMISOM oo ku dhawaaqday howlgal cusub & Al-Shabaab oo War cusub soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---