Warbaahinta dalka Peru ayaa hadal heysa nin Dambiile ahaa oo si farsameysan uga baxsaday xabsi uu ku xirnaa, waxa uuna ninkan booskiisa ku bedelay nin la dhashay oo Mataano la ahaa aadna ugu adkaa.
Alexander Delgado ayaa lagu xukumay 16-sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dhac geestay, waxaana ninkan xabsigii uu ku xirnaa markii dambe uga baxsaday qaab farsameesan.
Ciidamada booliiska Peru oo in mudo ah ku raad joogay ninkan baxsaday ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan , kadib markii lacag abaal marin ah la dul dhigay madaxiisa.
Ninkan maxbuuska ahaa waxaa xabsiga uu ku xirnaa ku soo booqday mataankiisa Giancarlo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, Alexander ayaa walaalkiisa siiyay daroogo, kadibna dharka ka badashay, dharkiisana u galiyay, sidaasna uga tagay xabsiga.
Booliiska ayaa markii dambe ogaaday in ninka xiran uusan aheyn ninkii saxda ahaa kadib markii farihiisa la baaray, waxaana booliiska baadi goob u galeen ninkii burcada ahaa ee xabsiga ka baxsaday.
Ninkii xabsiga looga tagay ayaa markii dambe booliiska fasaxeen kadib markii ay ogaadeen in uusan waxba ka ogeyn qorshahan uu walalakiisa ku baxsaday, waxaana xabsi si weyn amaankiisa loo ilaaliyo lagu xiray Maxbuuskii horey u baxsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com