Madaxwenaha dalka Koonfur Afrika Jocon Zuma ayaa si cad u sheegay in uusan xilka iska casileyn, waxa uuna dhagaha ka fureestay cadaadiska kaga imaanaya xisbiga uu katirsan yahay ee ANC.
Waxa uu sheegay Jocob Zuma in uusan sameyn wax khalad ah sidaas darteedna uusan xilka ka dageyn, waxa uuna sheegay xubnaha sare ee xisbiga ANC in aysan ku guuleesan in ay soo bandhigaan sababta uu xilka uga dagayo.
” Ma aqaan sabab aan isku casilo ama dambi aan galay ,Arrintan la doonayo in xilka layga qaado waxay aniga igu tahay caddaalad darro, mana la ii sheegin sababta aan xilka uga dagayo’ Ayuu yiri Jocob Zuma oo Wareysi siiyay Tv-ga Qaranka dalkaasi.
Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay qaabka loo wajahayo in xilka uu uga dago, waxa uuna soo jeediyay in fursad la siiyo uuna xilka baneenayo bisha June ee soo socota.
Xubaha sare ee Xisbiga ANC ayaa ugu baaqay Jocob Zuma in uu xilka ka dago kahor inta aan Baarlamaanka laga geyn mooshin xilka looga qaadayo, waxaana hada muuqaneysa in xiisadan u gudbi doonto Baarlamaanka Koonfur Afrika go’aana ka gaari doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com