Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir isaga haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose iyo Sababta ka dambeeysa

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa isaga haray doorashada kursi ka banaan aqalka hoose ee Baarlamaanka oo doorashadiisa lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Kursigan ka banaan Aqalka hoose waxaa ka geeriyooday Xildhibaan Cabaas Sheekh Siraaji oo lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana kursigan oo dhoor bilood banaanaa doorashadiisa dhawaan lagu qabanayaa Kismaayo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa kamid ahaa xubnaha kursigan isku soo sharaxay, hasa ahaatee Wasiirka ayaa la kulmay cadaadis xoogan laguna amray in uu doorasada kursigaasi isaga haro.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa cadaadis ku saaray Wasiir Saadaq in uu ka haro doorashada kursigan Xildhibaanimo, waxaana loo sameeyay balan qaadyo kale.

Kursigan waxaa u tartamaya nin dhalinyaro ah oo la dhashay Xildhibaankii horey uga geeriyooday, waxaana dhawaan Kismayao si diiran loogu soo dhaweeyay Maxamuud Sheekh Siraaji oo kursigan u tartamaya.

Doorashada kursigan ayaa la sheegay in aysan xamaasad badan laheyn, waxaana kursigan ku tartamaya Maxamuud Sheekh Siraaji iyo Musharax kale oo la sheegay in qaab malxiis ahaan oo kale kursigan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad ka aloosneyd magaalada Baladweyne (Akhriso)

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsanaa maamulka Somaliland oo Musuq maasuq loo xiray

Cabdi Cade

Taliye Gorod oo amar adag ku soo rogay ciidamada dowlada ee isticmaala Qaadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---