Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali sabab yaab leh bangi uga deynsaday lacag oo Maxkamad la soo taagayo

Sida uu daabacay Wargeyska telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa Nin Soomaali ah oo la xiray isagoo doonaya inuu ku Biiro ururka Daacish ayaa la ogaaday inuu  Bangi ka deynsaday lacag dhan 10,000 oo Euro oo u dhiganta 12,362 Dollar ka Mareykanka ah.

Aweys Shiikhey ayaa Bangiga u sheegay inuu Lacagta ugu baahan yahay si uu ugu guursado, laakiin waxaa la ogaaday inuu ku talo galay in uu ugu safro Siiriya si uu Daacish ugu Biiro.

Ninkan oo 38 jir ah ayaa darawal ka ah gaari Badeecooyinka daabula wuxuuna inkiray inuu diyaarinayay weerarro argagixiso iyo inuu dad kale kala dooday dilka Boqoradda UK iyo ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska David Camiroon.

Xeer ilaalinta eedeeymaha Aweys Shiikhow Gacanta ku haya ayaa sheegay inuu ka hadlay in la weeraro Yahuud Degan degmadda Stamford Hill ee ku taalla Waqooyi bari magaaladda London iyo in Qori AK47 ah lagu beegsado marka taagerasyaasha kubadda Cagtu kasoo Baxaan Garoonka Tottenham Hotspur.

Aweys wuxuu heystaa dhalashadda dalka Netherlands wuxuuna leeyahay Labo xaas oo kala dagan Netherlands iyo Kenya iyo Caruur, waxaa 23 kii May ee Sanadkii tagay laga qabtay  Garoon Caalami ah oo ku yaala London.

Dacwad ooge lagu magacaabo Barnaby Jameson in ujeedo kasta oo uu lahaa Aweys ay ka dhex muuqatay Xagjirnimo.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa wadanka Kenya magaciisana lagu sheegay Abdirahman Idris Hassan ayaa la sheegay inuu Xagjirnimaddda ku dhiiri galiyay Aweys Shiikhey sida laga ogaaday Qoraal ay isku dhaaafsadeen baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Halis Mustaqbalka ka dhalan karta Heshiis ay wada galeen Dowladaha Somalia iyo Shiinaha

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo Faah faahisay kulan maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) Deni & Xaaf oo soo saaray War-Murtiyeed ka dhan ah dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---